U bood dhigaalka

Maraykanka oo ka digay weerar Argagixiso oo ka dhaca dal Afrika ku yaal

Sheeko:Amniga

Dowladda Maraykanka ayaa uga digtay Tanzania in ay dalkeeda ka dhacaan weeraro argagixisanima ah sida ay sheegay maraykanka.

Safaaradda Maraykanka ee magaalada Dar es Salaam ayaa muujisay digniinta suurtagalnimada in ay dhacaan weeraro argagixiso.

“Kooxaha argagixisadu waxay digniin la’aan weerar la beegsan karaan hoteellada, safaaradaha, maqaayadaha, suuqyada, saldhigyada booliiska, masaajidda iyo meelaha kale ee ay tagaan dadka reer galbeedka ah” ayaa lagu yiri digniinta kasoo baxday safaarada Mareykanka.

Warka ka soo baxay safaaradda laguma xusin magaca kooxaha laga cabsida qabo in ay weerarada ka fuliyaan gudaha dalka Tanzania.