U bood dhigaalka

Maraykanka: Waannu ka soo Horjeednaa Xaaladda Degdegga ah ee Ethiopia ku Dhawaaqday

Sheeko:Caalamka

Bayaan ka soo baxay safaaradda Maraykanku ku leeyahay waddanka Ethiopia ayaa lagu sheegay in dawladda Maraykanku ay ka soo horjeedo xaaladda degdegga ah ee Golaha Wasiirada Ethiopia ku soo rogeen waddanka.

Bayaanka waxa lagu xusay in dawladda Maraykanku ay fahmi karto cabsida dawladda Ethiopia ka qabto gacan-ka-hadal iyo dibadbaxyo bilaabma balse waxa ay hoosta ka xarriiqday in xalka arrintani tahay in xorriyad badan la siiyo dadka balse aan xorriyadda laga qaadin.

Ugu danbayntii waxa bayaanka lagu sheegay in dawladda Maraykanku ay dhiggeeda Ethiopia ugu baaqayso inay dib uga fekerto qaabka ay wax u waddo isla markaana raadiso dariiq kale oo ay ku ilaaliso muwaadiniinteeda iyo hantidooda.

Bayaankani waxa uu ku soo beegmay xilli waddanka Ethiopia uu ka jiro khalkhal iyo jahwareer siyaasadeed ka dib markii uu iscasiley Raysalwasaarihii dalkaas iyo iyada oo ay waayahan danbe socdeen dibadbaxyo lagaga soo horjeedo taliska dalka.

Goobjoog News