U bood dhigaalka

Mareykanka: $6 million oo Ayaan u Qoondeynay Doorashada Soomaaliya ee 2020/2021

Sheeko:Dalka

Mareykanka ayaa sheegaya in ay Soomaaliya ka taageerayaan doorashada guud ee 2020/2021 balse aaney u yeerin-doonin.

Ambassador Yamamoto oo ah safiirka Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheeko muuqaal ah uu la yeeshay saxafiyiinta Soomaaliyeed waxaa uu ku sheegay  in Soomaalida ay tahay cidda go’aamineysa goorta ay doorashada dhici doonto, laakin ay muhiim tahay in waqtigeeda lagu qabto.

 “Doorashada go’aankeeda waxaa leh Soomaalida, haddii dib loo dhigayo xoogaa waa go’aankiinna” waxaa uu ambassador Yamamoto uga jawaabay su’aal aheyd ma dhici dhici kartaa cabsida ah in COVID-19 uu dib u dhac u keeno doorashada.

 “Mareykanka waxaa ay ku kabi doonaan talo galnay $6 million  oo ah in doorashada lagu qabto, wax kasta oo aad dooneysaan waxaa diyaar ula nahay 100%, lacag ayaan ugu talogalnay, $4 million  waxaan dib ugu dhignay waxaan dooneynaa in aan hubsanno in waxa aan qabaneyno ay tahay baahida shacabka Soomaaliyeed” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyey Ambassador Yamamoto

Soomaaliya waxaa lagu wadaa in ay ka dhacdo October sanadkan doorasho guud, si madaxweyne cusub loo doorto horaanta 2021-ka.

Goobjoog News