U bood dhigaalka

Mareykanka oo Qirtay Iney Rayid Ku Dileen Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Taliska Mareykanka ee loo yaqaanno AFRICOM ayaa qirtay iney duqeyn ku dileen dad rayid Soomali ah iyaga oo dalbaday cafin.

Qoraal ka soo baxay April 27 ayaa lagu sheegay in ciidamadoodu dileen dad rayid xilli ay bartilmaameedsanayeen Al-shabaab.

“Waxaan ka xunnahay in labo rayid ah lagu dilay halka saddex kale lagu dhaawacay duqeyn dhacday February 2019” sidaas waxaa yiri Stephen Towsend  oo ah General Mareykan ah. “Waxaan xushmad u heynaa saaxiibadeen Soomaaliya, aad ayaan uga xunnahay dhacdadan” ayuu raaciyey.

Ciidamada Mareykanka ayaa sanadkii fuliya ugu yaraan 50 weerar oo cirka iyaga oo sheega iney ku bartilmaameedsadaan Al-shabaab, waana ugub iney qirtaan rayid goobtaas wax ku noqda.

Goobjoog News