U bood dhigaalka

Mareykanka oo Soo Dhaweeyey Wada Hadallada Soomaaliya iyo Somaliland

Sheeko:Dalka

Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweysay wadahadalada Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Soomaaliland uga furmay magaalada Jabuuti ee xarunta Dalka Jamhuuriyadda Jabuuti.

War qoraal ah oo ka soo baxay safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Xukuumadda Washington ay si weyn u soo dhaweynayso ayna bogaadinayso dadaallada ku aadan xoojinta wada hadalka Soomaaliya iyo Soomaaliland.

Sidoo kale Dowladda Mareykanka ayaa uga mahadcelisay Madaxweynaha Dalka Jamhuuriyadda aan walaalahanahay ee Jabuuti mudane Ismaaciil Cumar Geele marti gelinta wada xaajoodka labada dhinac.

“Waxaan gacan ka geysanaynaa oo aan taageeraynaa iskaashi laga sameeyo ka miro dhalinta wadahadalka labada dhinac oo u wanaagsan Soomaaliya, waxaana ku boorinaynaa dhamaan dhinacyada Soomaaliya in ay ka qeyb qaataan dadaalkaasi”. ayaa lagu yiri qoraalka ay soo saartay Safaaradad Mareykanka ee Soomaaliya.

Goobjoog News