Maxaa Ka Jira In Al-shabaab Dib Ula Wareegeen Deegaanka Tooratoorow Ee Shabellaha Hoose?

Ururka Al-shabaab ayaa sheegay in ay dib ula wareegeen deegaanka Tooratoorow ee gobolka Shabellaha Hoose, kadib markii shalay ay ciidanka DFS la wareegeen deegaankaasi.

Baraha ay ku leeyihiin Internetka ayeey Al-shabaab ku sheegeen iney la wareegeen deegaankaasi, kadib markii ay isaga baxeen ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya.

Dowladda federaalka Soomaaliya kama aanay hadal waxa ka jira in ciidankooda ka baxeen deegaanka Tooratoorow.

Dhanka kale, Goobjoog News ayaa xiriir la sameysay maamulka gobolka Shabellaha Hoose ayaan suurtagelin, kadib markii guddoomiyaha gobolkaasi ka jawaabi waayey wicitaannadeenna.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

3 Comments

  1. dowlada somalia ila meerayso ayay ku jirtaa ayaaan filayaaa halkay shalay kala waregeen ururka allshabaab maxaaa keenay iny mnta ka bxaaan halkaa waxa ka muuqatta in ay na dowldo hanan karayn amniga qaran ka somalia askar wadama badan ayaaa waddan ushahar ku qaata hadan wali wx muuqa da lagama hyo oo mlinkasta casimada somalia dad ayaaa qarax ku dhimanaya

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW