U bood dhigaalka

Maxaa Ka Soo Baxay Shirkii Garsoorka Soomaaliya?

Sheeko:Dalka

6-7da Febraayo 2019, ayaa Maxkamadda Sare ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay magaaladda Muqdisho ku martigalisay shir sanadeedka Garsoorka Soomaaliya oo ah markii u horaysay ee la qabto ka dib burburkii dawladdii dhexe ee dalka.

Shirka waxa ka soo qaybgalay Garsoorka heer federaal iyo dhammaan dawladaha xubnaha ka ah federaalka, hay’addaha kale ee dawlada oo marti-sharaf ahaan uga soo qaybgalay,jaamacaddaha, culimada, bulshada rayidka ah iyo qaybo ka mid ah bulshada caalamka.

Shirkan oo ah mid qanuuni ah sida ku cad Qodobka 30aad ee Xeerka Nidaamka Garsoorka 1962, waxa diiradda lagu saaray wax-qabadka garsoorka sanadkii tagay, caqabadaha ka hor yimid ama hor taagan iyo qorshayaasha mustaqbalka.

Shirka waxa lagu aqoonsaday muhiimada ay leedahay dib-u-yagleelida garsoorkii dalka

  • madax banaan, karti u leh gudashada xilkiisa, xaqiijinna kara dhowridda saraynta sharciga, isku xukunkiisa iyo ilaalinta xuquuqda aadamaha.

Ka qaybgalayaasha shir-sanadeedka Garsoorka Soomaaliya waxay soo saareen war-murtiyeedkan

  1. Ka qeybgalayaasha shir-sanadeedka Garsoorku waxa ay Maxkamadda Sare uga mahadceliyeen soo noolaynta sanadka garsoorka iyo hirgalinta shir sanadeedkii koowaad ee garsoorka.

2. Shirku wuxuu bogaadiyey soona dhoweeyey in uu shirkani sida qaanuunku qabo noqdo mid joogto ah oo sanad kasta bilawgiisa la qabto.

3. Shirku wuxuu bogaadiyey dib-u-habeynta balaadhan ee ka soo socota garsoorka, waxaanu soo jeediyey in guud ahaan dalka laga hirgaliyo dib-u-habeynta Garsoorka.

4. Shirku wuxuu ku baaqay in dib loo soo celiyo booliiska garsoorka si uu ugu sahlo fulinta go’aamada iyo xukunnada garsoorka sugana amniga garsoorka dalka.

5. Shirku wuxuu dhiirigaliyey xoojinta maxkamaaha wareega iyo bixinta adeeg sharci oo lacag la’aan ah, si ay bulshadu u hesho adeeg. caddaaladeed oo ay gaadhi karaan.

6. Shirku wuxuu ku baaqay in sida ugu dhaqsaha badan loo soo dhiso Golaha Adeegga Garsoorka oo muhiimad gaar ah u leh Garsoorka.

7. Shirku wuxuu ku baaqay in dib loo dhiso xarumihii maxkamadaha heer Federaal iyo heer dowlad goboleedba, lana xoojiyo dib u dhiska iyo dayactirka xabsiyada dalka.

8. Shirku wuxuu soo jeediyay in dib loo yegleelo xafiiska tirakoobka iyo xog ururninta garsoorka Soomaaliya.

9. Shirku wuxuu taageeray in si dhakhso leh loo dhamaystiro hannaanka caddaaladda iyo Asluubta Soomaaliya.

10. Gunaanad, shir-sanadeedka Garsoorku waxa uu hoosta ka xariiqay kaalinta garsoorka ee ilaalinta saraynta sharciga iyo dhowrida xuquuqda aadmaha.