U bood dhigaalka

Maxaa kasoo Baxay Kulanka Madaxweyne Farmaajo iyo Bulshada Rayidka ah?

Sheeko:Dalka

Waxaa magaalada Dhuusamareeb kulan ku yeeshay 19-kii bishan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo bulshada rayidka ah.

Qoraal ka soo baxay shirka waxaa ku xusan in kulankan uu qeyb ka ahaa dadaallada ay wadaan bulshada rayidka ah ee sidii isfaham looga gaari lahaa aragtida ku aadan doorashooyinka, laguna dhameeyo wadahadal iyo mid la wada ogol yahay.

Bulshada rayidku ma taageerin nooc doorasho gaar ah balse waxaa ay ku celiyeen in loo baahanyahay in laga wada hadlo, oo ay soo baxaan wax la wada ogol yahay.

Goobjoog News