U bood dhigaalka

Maxaa Loo Dhameystiri La’yahay Guddiyada Doorashada?

Sheeko:Dalka

Toban maalin ayaa laga joogaa tan iyo markii la saxiixay is afgaradkii lagu dhameystirayey heshiiskii September 17 iyo talooyinkii guddiga farsamo ee Baydhabo 16, laakin sidaa ay tahay ilaa hadda waxaa la dhameystiri laýahay guddiyadii doorashadii iyada aaney weli keenin maamullada Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.

Heshiiskaas kadib, arrimaha ay aheyd in si dhaqso ah loo guda galo waa in la badalo guddiyadii lagu muransanaa isla markaana la magacaabo guddiyo cusub, ilaa hadda waxaa badalay, guddiyo cusubna sameeyey Jubbaland, Cabdi Xaashi, guddoomiyaha aqalka sare iyo siyaasiyiinta Somaliland iyo maamulka Puntland.

Jubbalabd: 1-dii June 2021, madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe ayaa magacaabay Guddiga doorashooyinka heer Federaal, heer dowlad goboleed iyo guddiga xalinta khilaafaadka, xubnaha waa 12.

Cabdi Xaashi: 2-adii June 2021: Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi ayaa Ra’iisul wasaare Rooble u gudbiyey lix xubin oo guddiga doorashada ah, 4 xubin oo SEIT iyo 2 xubin oo FIET ah guddida doorashada iyo midka khilaafaadka.

 Puntland: 2-bada June, 2021: Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa isna magacaabay xubnaha guddiga doorashooyinka heer dowlad Goboleed ee SEIT oo gaaraya 8 xunbood.

Waxaa xusid mudan in maamullada Hirshabelle, Galmudug iyo Koonfur galbeed oo laga la’yahay soo gudbisa liiska guddiyada doorashada, oo lagu daray dowladda federaalka ah ay ahaayeen kuwii ugu horeeyey ee soo gudbiyey guddiyadii hore ee cabashada laga qabay.

Daahidda Rooble, Guudlaawe, Qoorqoor iyo Lafta-gareen ay daahinayaan guddiyada doorashada waxay dib u dhigi kartaa 60-kii cisho ee la lahaa waxaa lagu soo afjarayaa doorashada.

Goobjoog News