U bood dhigaalka

Maxaa Looga Hadlay Shirka Golaha Wasiirrada Jubbaland?

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland  Axmed Maxamed Islaam Madoobe  ayaa maanta shir gudoomiyay kulanka golaha wasiirrada Jubbaland, kaas oo lagaga hadlay qodobo kala duwan, sida amniga iyo doorashooyinka golaha shacabka.
Sidoo kale iyadoo xaalado abaaro ah ay ka jiraan Jubbaland ayaa wasaaradda xanaanada xoolaha ay bixin ka siisay golaha xanuuno wakhtiyadii u danbeeyay ay ka cabanayeen dadka xoolo dhaqatada ah, kuwaas  oo soo ritay xoolaha ka duwan.
Wasaarada ayaa sidoo kale soo bandhigtay sida wax lagaga qabanayo xanuunadaas isla markana daawayn loogu samaynayo xoolaha kala duwan ee lagu arkay xanuunadan, oo dadka reer guuraga ah ay sheegeen inaan horay loogu  arkin  Jubbaland.
Wasaarada haweenka iyo xuquuqul insaanka maamulka Jubbaland ayaa dhankeeda  golaha wasiirrada  maanta warbixin ka siisay shaqooyinka wasaaradda ee hortabinta u leh sida uu golaha ka horsheegay wasirrka haweenka iyo xuquuqul insaanka.
Goobjoog News