U bood dhigaalka

Maxaa Looga Hadlay Shirka Golaha Wasiirrada Puntland?

Sheeko:Dalka
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa maanta Shir-guddoomiyey Shirka Golaha Wasiirada oo todobaadkan looga hadlay Amniga, Dib-u-eegista mashruuca JPLG ee degmooyinka iyo hirgelinta hanaanka qiimaynta iyo dabagalka ee (PEMIS).
Shirka oo uu Madaxweynaha ku wehelinayay Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka  Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash, ayaa sidoo kale looga hadlay xaaladda abaarta iyo xaaladaha dadka nugul sida ( caruurta, haweenka iyo naafada), kuwaas oo aad ugu nugul saameynteeda.
Deegaannada Dowlad Goboleedka Puntland ayaa waxaa ay kamid tahay meelaha siweyn looga dareemayo abaarta iyo dadka saameynta ay ku yeelatay, iyagoo dalka intiisa badan la qaba xaaladda adag ee abaaraha jira, taas oo gaartay heer laga cabsi qabo in ay isku badasho macluul ka dhalata.
Goobjoog News