U bood dhigaalka

Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida Oo Toogatay Labo Al-shabaab Ah

Sheeko:Dalka

Maxakamadda ciidanka qalabka sida ayaa saaka xukun dil toogasho ah ku fulisay labo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo la sheegay inay horey u dileen nabadoon can k ahaa magaalada Muqdisho.

Waxaa lagu eedeeyey C/araxmaan Ciise Cali iyo Xasan Cali Xasan in ay horey degmada Wadajir ugu dileen Hilowle Xeefow Xuseen,oo kamid ahaa nabadoona caanka ahaa ee degmadaasi ku dhaqan.

Horey ayaa waxaa ay maxakamaddu ugu ridday labadan qof xukun dil toogasho ah,waxaana maanta oo taariikhdu ay tahay 7/Febraayo/2019 lagu fuliyay xukunkii dilka ahaa ee Maxakamadda Ciidanka Qalabka sida ay horey ugu xukuntay.

Goobta xukunka oo toogashada ay ka dhacaysay waxaa ku sugnaa mas’uuliyiin iyo saraakiil ka tirsan Maxakamadda Ciidanka Qalabka Sida ee Soomaaliyeed,kuwaasi oo sheegay in maxakamaddu ay heshey cadeymo muujinaya in ay gacan ku dhiiglayaal ahaayeen sidasi darteedna loogu fuliyay dilka.

Maxakamadda ciidamada Qalabka sida ayaa dhowr jeer oo horey xukuno ugu fulisay dad  ka tirsanaa Alshabaab, waxaana u dambeeyey dhagar qabe dhawaan lagu toogtay Baydhabo, kadib markii lagu heley dembi ah in uu nabadoon caan ahaa dil u geystay.

Goobjoog News