U bood dhigaalka

Maxay Ka Wadahadleen Guddoomiyaha Hey’adda Maareynta iyo Safiirka Dowladda China?

Sheeko:Dalka
Gudoomiyaha Hay’adda Maaraynta Musiibooyinka Qaranka Maxamud Macallin ayaa maanta la kulmay Safiirka Dowlada China ee dalkeenn Mudane H.E. Ambassador Fei Shengchao kulankaas oo ka dhacay Safaradda Chine ee Magaalada Mogadishu.
Gudoomiyaha iyo safiirka ayaa ka wada hadlay arimaha la xariiri gargaarka iyo u adkaysiga aafooyinka dabiiciga ah, Gudoomiyaha SoDMA ayaa si wayn oga mahadceliyay safiirka dalka China sida ay dadka Soomaaliyeed u garab istaageen waqtiga adag ee abaraha.
Gudoomiye Maxmud ayaa sidoo kale  safiirka kaga mahadceliyay sida ay dowladda China kaga go’antahy garab istaagga shacabka Soomaaliyeed oo xilligaan kasoo kabanaya abaar baahsan oo ku habsatay muddo dhowr sano ah, taas oo iska soo daba laablaabatay.
Safiirka Dalka China u fadhiya Soomaaliya ayaa isagana dhankiisa ballan qaaday in ay marwalba garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, dowladda China ayaa kamid ah dowladaha sida gaar ah saaxiibka dhow ula ah dowladda federalka Soomaaliyeed.
Goobjoog News