U bood dhigaalka

Maxay Kawada Hadleen Laftagareen iyo Wafdiga Qaramada Midoobay?

Sheeko:Amniga
Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed  Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa magaalada Baydhabo maanta waxaa uu kula kulamay wafdi ay hoggaaminaysay Ku-xigeenka Ergeyga  Qaramada Midoobay Marwo Kiki Gbeho.
Kulanka ayaa intii uu soo socday waxaa looga hadlay arrimaha doorashooyinka golaha shacabka oo maraya heer gabagabo ah, amniga deegaannada Koonfur Galbeed  iyo Abaaraha saamaysay dadka iyo duunyada ee ka jirta deegaannada maamulka.
Wafdiga  ay hoggaaminaysay ku-xigeenka ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Kiki Gbeho ayaa waxaa uu qeyb ka ahaa safarro dhowr ah ay ku tagatay dowlad goboleedyada dalka iyadoo ku kuur galaysa doorashooyinka iyo  Abaara jira.
Goobjoog News