U bood dhigaalka

Maxay Kawada Hadleen Laftagareen iyo Wafidiga Qaramada Midoobay?

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xasan Maxamed( Laftagareen) ayaa kulan la qaatay mas’uuliyiin ka socday Qaramada Midoobay, gaar ahaan xuquuqda Aadanaha, waxaana horkacaysay madaxa uqaabisan Soomaaliya Isha Dyfan.

Kulanka oo saaco qaatay  ayaa waxaa intiisa badan looga hadlay Abaaraha Biyo la,aanta ka jirta deegaannad qaar, dhowrista xuquuqda Aadana iyo Xuriyatul Qowlka, waxaa sidoo kale Laftagareen ku wehlinaayey kulanka agaasimaha madaxtooyada maamulkaas.

Kulanka ayaa waaxaa uu kusoo aadayaa xilli deegaanno badan oo dhaca Koonfur Galbeed ay ka jirto abaar baahsan taas oo saamaysay dadka iyo duunyada, waxaana ay dhalisay in dadku isaga hayaamaan nawaaxiga Wabiga maadaama uu biyo la’aan uu noqday.

Goobjoog News