U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada oo Fulisay Xukun Toogasho ah

Sheeko:Amniga
Maxkamadda darajada koowaad ee ciidanka qalabka sida ayaa Saakay xukun Toogasho ah waxaa ay ku fullisay laba ruux, kuwaas oo hore dilal u geystay.
Xukunka Qisaasta ah oo ka dhacay Cara tuurka Baydhabo ayaa waxaa lagu fuliyay Cabdiraxmaan Cali Xasan Sugow iyo Yaasiin Maxamed Aadan oo dilal geystay.
Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidanka qalabka sida ayaa maalinimadii shalay sidaan oo kale xukun ugu fulisay laba shakhsi oo dilal ka geystay Baydhabo.
Goobjoog News