U bood dhigaalka

Maxkamadda Ciidamada oo Xukun Ku Fulisay Askar Dil Geysatay

Sheeko:Dalka

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa xukun dil ah ku fulisay laba eedeysane, kuwaas oo lagu eedeeyay dilal ay horey u geysteen, labada shakhsi ee toogashada lagu fuliyay ayaa ahaa askar ka tirsanaa ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

Cabdi Shakuur Axmed Maxamuud ayaa waxaa laga oofiyay qisaasta marxuum  Xasan Maxamed Shire oo ay wa wada  ciidanka Booliiska Soomalaiyeed, maxkamadda oo kiiskaan dacwadeed u fariistay ayaa xukun dil ah ku ridday oo ah qisaasta marxuumka la dilay.

Sidoo kale Maxkamadda ayaa Cabdi Jamaal Cabdullaahi Xayle oo ahaa askari Booliis ah Boliiska ku fulisay dil toogasho oo looga oofiyay qisaasta Marxuum  Cabdi Xakiim Maxamuud Khaliif oo uu dhacayay xilliga uu dilka u geystay isaga oo xiran dharka ciidanka.

Maxkamadda darajada koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa muddooyinkii dambe waxaa ay waday fulinta qisaasta eedeysanayaal horay dilal u geystay, iyo sidoo kale kuwa ku eedeysnaa ka mid ahaanshiyaha Al-shabaab, waxaana ugu dambeyn laga oofiyay qisaastii lagu xukumay.

Goobjoog News