U bood dhigaalka

Maxkamadda Gobolka Banaadir Oo Baabi’isay Eedeymo Loo Heystay Weriyaha Goobjoog

Sheeko:Dalka

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta baabi’isay dhammaan eedeymo loo heystay weriye Cali Aadan Muumin oo ka tirsan warbaahinta Goobjoog Media Group iyada oo amartay in la sii-daayo khamiista 12-ka duhurnimo, kadib marka ay dhamaadaan imtixaanaadka shahaadiga ah ee dowladda.

Inta ay maxkamadeynta socotay waxaa Cali ka hor keenay waxyaabo uu soo dhigay Faceboogiisa, waxaana ugu muhiimsanaa qoraal uu ka sameeyey imtixaanaadka shahaadiga ah ee dowladda federaalka ah.

Goobjoog ayaa goor sii horeysay xarigiisa ku tilmaantay sharci-darro, iyada oo dalbatay in la sii-daayo sida ugu dhaqsaha badan.

Akhriso: War-saxaafeedka Goobjoog WAR-SAXAAFADEEDKA

Goobjoog News