U bood dhigaalka

Maxkamadda ICC Oo Loo Gudbiyay Dacwad Ka Dhan Ah Farmaajo, Fahad, Fareey, Jiis iyo Cabdiraxmaan Dheere

Sheeko:Amniga

Col. Cabdullaahi Maamed Nuur (Nasri) oo kamid ahaa saraakiishii hore ee ciidamada NISA Jubbaland ayaa sheegay in maxkamadda dambiyada adduunka uu u gudbiyay dacwad ka dhan ah Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Farmaajo iyo xubna ka tirsan taliska NISA.

Sargaalkaan oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa sheegay in ICC ay ka bilaabatay dacwad uu ka gudbiyay  Madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Farmaajo,  Taliyihii hore NISA Fahad Yaasin, Cabdiraxmaan Dheere oo ahaa xildhibaan hore, Yaasin Farey oo ku magacabaan hadda taliyada KMG ee NISA, Kulane Jiis oo hadda kamid ah xildhibaanada loo soo xulay baarlamaanka 11-aad kana mid ah taliska NISA, Ibraahim Macalim oo ka tirsan NISA iyo xubna kale.

Col Nasri ayaa sheegay in uu rabo in uu cadaaladda la tiigsado shaqsiyaadka uu dacwadda ka gudbiyay oo uu sheegay in ay xadgudub u gaysteen.

“Waxaan rabaa inaan caddaalada la koro, anigoo sharciga u maraya cid walba oo ku lug lahayd dhibkii la ii geystay iyo dambigii la iga galay, oo shaqisiyan aniga dhibaato caafimaad ii geystay, ayuu yiri, Coll Cabdullahi Nasri.

Sarkaalkaan ayaa bilooyin ka hor ka soo muuqday barnaamij taxana ah oo uu kaga waramay dhibaatooyin ay u gaysteen xubnahaas xilli uu sheegay in lagu xiray godka Jilacow ee magaalada Muqdisho.

Goobjoog News