U bood dhigaalka

Mid Kamid ah Ilaalada Guddoomiye Cumar Filish oo Muqdisho Lagu Dilay

Sheeko:Dalka

Askari la sheegay inuu ka tirsan yahay ciidanka dowladda federalka ayaa magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ku dilay wiil dhallinyaro , kaas oo la sheegay inuu kamid ahaa ilaalada gaarka ah ee guddoomiyha gobolka Banaadir Cumar  Filish.

Xuseen Abuukar Nuur ayaa askarigu toogtay xilli uu ku sugnaa meel aan ka fogeyn Dekadda weyn ee magaalada Muqdisho, askariga dilka geystay ayaa kamid ahaa askar gudbaysay wadda hor marta Dekadda, sida ay seegayaan wararka laga helayo.

Wiilka la dilay iyo askariga ayaa waxaa soo kala dhex galay muran, taasna ay keentay inuu xabad ku dhufto marxuum Xuseen Abuukar Nuur oo kamid ahaa ilaalada guddoomiyaha gobolka, waxaana durba goobta gaaray ciidan Booliis ah.

Ciidamada dowladda ayaa inta badan marka ay marayaan waddooyinka caasimadda waxaa ay furaan Rasaas taas oo sababta in waxyeelo kasoo gaarta dadka shacabka ah ee ku sugan hareeraha wadda ay ku fureen Rasaasta ama ay saaran yihiin gaari.

Goobjoog News