U bood dhigaalka

Midawga Yurub oo Soomaaliya Siinaya Ku Dhawaad $150 Milyan oo Dolar

Sheeko:Amniga

Midawga Yurub ayaa sheegay in uu dhawaan ku shubi doono qasnadda dowladda lacag dhan 140 oo Euro, si wax looga qabto dib u habanta hanaanka dowladnimada iyo dhaqaalaha Soomaaliya.

Lacagtaan oo Muqdisho soo gaari doonta inta lagu guda jiro sanadkaan ayaa loogu talagay in lagu garabsiiyo dowladda Soomaaliya si looga hortago isbadalka cimilada ee ku yaalatay dib u dhiska Soomaaliya iyo dhaqaalaheeda.

Guddoomiyaha Midowga Yurub ee iskaashiga caalamiga ah Jutta Urpilainen, ayaa dhamaadkii todobaadkii hore shaaciyay in ay kordhinayaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya iyo guud ahaan gobalka geeska afrika.

“Midowga Yurub wuxuu sidoo kale bixin doonaa €13.5 milyan oo taageero miisaaniyadeed si loo joogteeyo siyaasadda Soomaaliya si ay u sahlaanato dib-u-habeynta dowladnimada, inta soo hartayna waxaa looga qayb qaadan doona dib u dhiska Soomaaliya iyo dhaqaalaheeda,” ayaa lagu yiri bayaan ka soo baxay EU.

Dalalka miisaaniyadooda la kordhinayo sanadkaan ayaa waxaa sidoo kale ka mid ah Jabuuti, Soomaaliya, Kenya, Itoobiya, iyo Ereteriya.

Sikastaba deeqdaan cusub ayaa ku soo aadeyso xilli Soomaaliya ay mudda 10 sano ah wajaheyso abaartii saddexaad ee ugu xumayd abid.

Goobjoog News