U bood dhigaalka

Midowga Murashaxiinta oo Ku Gacan Seyray Go’aankii DF ay Ku Mamnuucday isu imaatinka Dadweynaha

Sheeko:Dalka

Midowga murashaxiinta mucaaradka ay ayaa si adag uga hor yimid go’aankii ay dowladda Soomaaliya ku shaacisay in la joojiyay isu imaatinka dadweynaha sababa la xiriira cudurka COVID-19 oo la sheegay inuu mar kale soo laba kacleeyay, waxayna mucaaradku sheegeen inay qabsan doonaan bannaanbaxa ay ku dhawaaqeen Jimcaha

Afhayeenka midowga murashaxiinta Daahir Maxamuud Geelle oo xalay la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ay dadka shacabka ah u diyaariyeen qalabka looga hor tago cudurka COVID-19, waxa uu dhinaca kale fariin u diray ciidamada dowladda oo uu ka dalbaday inaysan ku dhexmilmin siyaasadda isaga oo yiri “Saraakiisha ciidanka waxaan ka dalbanaa inay ciidanka ka ilaaliyaan oo dhexdhaxaad ka noqdo dhaq-dhaqaaqa siyaasadeed ee dalka ka socda, hadii ciidanka siyaasadda la geliyo, culeyska ka yimaada saraakiisha ayaa qaadeysa”.

Daahir Geelle ayaa sidoo kale sheegay in dowladda ay cudur daar ka dhiganeyso cuduka Coronavirus iyadoo damacsan inay baajiso mudaharaadka Jimcaha “Dowladdu Cudur baa jiro ayey ku mar marsiiyooneysaa, wajji xir, gaadiid caafimaad iyo dhaqaatiir ayaan diyaarinnay bannaanbuxuna wuu dhacayaa jimcaha”.

Halkaan ka Daawo

https://www.facebook.com/goobjoognews/videos/607249260130199

Goobjoog News