U bood dhigaalka

Midowga Musharraxiinta oo Dhoweeyey Jadwalka Dhamaystirka Doorashooyinka

Sheeko:Dalka
Golaha midowga musharraxiinta ayaa soo dhoweeyey jadwalka dhamaystirka doorashada 2020-2022, ee uu soo saaray guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban, waxaana qoraal kasoo baxay midowga lagu xusay in doorashada dib u dhacday sanad ka badan ay keentay firaaq Dastuuri ah, iyaga baaqay midowga in marwaliba la raaco dastuurka dalka u yaalla
Golaha midowga ayaa waxaa sidoo kale uu ugu baaqay madaxda dowlad goboleedyada oo loogu baaqay in ay faraha ka baxaan doorashooyinka, waxaana ay sheegeen in doorkoodu uu yahay fududeynta doorashada deegaannadooda, waxaana hadalkooda ay ku dareen in meel looga soo wada jeesto cid waliba oo carqalad ku ah hamsami u socodka doorashooyinka.
Halkaan Ka Akhriso qoraalka 
No photo description available.
Goobjoog News