U bood dhigaalka

Midowga Musharraxiinta oo La Kulmay Xubnaha BF Ugu Jira Somaliland

Sheeko:Dalka

Waxaa goor dhow magaalada Muqdisho kulan uga furmay golaha midowga Musharraxiinta, qaar kamid ah siyaasiyiinta iyo xildhibaanno labada gole ah oo kasoo jeeda gobalada Waqooyi ee Somaliland.

Shirka oo uu shir guddoominayo madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa ka qeyb galayo wasiirkii hore ee warfaafinta Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Fowsiya Yuus Haaji oo soo noqotay ra’iisalwasaare ku-xigeen.

Shirka ayaa inta uu socdo waxaa looga hadlayaa tabashooyinka ka taagan guddiga arsamo ee maamulaya doorashooyinka xildhibaannada labada gole ee baarlamaanka ee gobolada Waqooyi oo dhowaan ay magacawday xukuumadda federaalka Soomaaliya.

Kulanka ayaa waxaa uu qeyb ka yahay kullamada joogtada ah ee golaha uu ka yeelanayo caqabadaha ku hor gudban in dalka ay ka dhacdo doorasho loo  dhanyahay oo dhinacyada siyaasadda iyo dowladda wadar ogol ku yihiin sida lagu yiri qoraal ka soo baxay golaha.

Image may contain: 2 people, people sitting
Image may contain: 1 person, sitting, table and indoor
Image may contain: 1 person, sitting
Goobjoog News