U bood dhigaalka

Midowga Yurub oo 41 Milyan oo Dollar u Qoondeeyey Abaaraha Soomaaliya

Sheeko:Dalka
Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda federalka ah ee Soomaaliya   Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya Tiina Intelmann iyaga oo kawada hadlay arrimo dhowr ah ku saabsan xaladda dalka,
Waxaana si gaar ah kulanka diiradda loogu saaray  doorashooyinka golaha shacabka oo maraya waqtigii ugu dambeeyey xiligii lagu ballamay in lasoo gabagabeey,  amniga guud ee dalka iyo abaaraha ka jira dalka, taas oo saamaysay dadka.
Ra’iisalwasaare Rooble ayaa xusay inuu rajo ka qabo in doorashada ay kusoo dhammaato waqtigii loo asteeyey oo ah 15-ka bisha March, waxaana xigi doonta doorashada guddoonka labada aqal iyo midda madaxweynaha oo ay soo dooran doonaan.
Kulanka ayaa sidoo kale la iskula soo qaaday taageerada Midowga Yurub ka geysanayaan gurmadka dadka Soomaaliyeed ee abaartu saameysay, iyadoo safiirku sheegtay in Midowga Yurub ay 41 Milyan oo dollar u qoondeeyeen gurmadka abaaraha.
Kulanka Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Safiirka Midowga Yurub ayaa sidoo kale looga hadlay xaaladda colaadeed ee ka dhalatay dagaalka Ruushku ku qaaday Ukraine iyo saameynta ay ku yeelan karto Yurub iyo guud ahaan dunida.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay xaaladdaas colaadeed, isagoo ku baaqay in wada hadal lagu dhammeeyo colaadda taagan waxaana dagaalka Ruushka uu wado uu galay maalintii sedexaad dagaalka labada dhinac.
Goobjoog News