U bood dhigaalka

Midowga Yurub oo Agab Caafimaadka Soo Gaarsiiyey Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Wasiiradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Fawsiya Abiikar Nuur, ayaa maanta oo Axad ah guddoontay kaalmo caafimaad oo 14.5 tan oo ah agab lagu xakamaynayo faafidda cudurka safmarka ah ee Koroona feyrus iyo kahortagga daadadka oo ay ku deeqday Midowga Yurub,

Agabkaan ayaa la  soo marsiiyey  Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ee Jamhuuriyadda aanu saaxiibada nahay ee Talyaaniga oo lagu soo gaarsiiyay Gegidda Diyaaradaha Caalamiga ee Aadan Cabdulle ee Caasimadda Muqdisho diyaarad xamuul ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Danjire Axmed Ciise Cawad, oo ka hadlay munaasabadda guddoomidda, oo ay goobjoog ka ahaayeen Safiirka Midowga Yurub, Mudane Nicolas Berlanga iyo Safiirka Jamhuuriyadda Talyaaniga, Mudane Alberto Vecchi, ayaa uga mahadceliyay Midowga Yurub iyo Dowladda Talyaaniga kaalmadooda caafimaad oo sare u qaadaysa awoodda xirfadlayaasha caafimaadka ay kaga hortagayaan COVID19. Waxa uu caddeeyay in duulimaadkani oo ah kii koowaad ee bani’aadannimo oo Midowga Yurub agab caafimaad ku soo gaarsiiyo Muqdisho ka koobnaa af-saabka (maaskaro), dareeraha gacmaha lagu dhaqo, gacmo gashiga (galoofyo), dharka ilaalinta leh iyo qalabka baaritaanka, waxaa intaa sii dheer agabka lagu mooso daadadka.

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ayaa diiwaangelisay tan iyo 16 Maarso 2,961 bukaan oo uu soo ritay xanuunka Koroona feyrus, oo ay ka mid yihiin 973 ruux oo bogsatay iyo 92 ruux oo u geeriyootay.

Goobjoog News