U bood dhigaalka

Milkiilaha Diyaaradda Ku Burburtay Bardaale oo Goobjoog uga Warramay Sida Ay Wax U Dhaceen

Sheeko:Dalka

Xildhibaan Cabdiraxmaan Aadan Ibbi oo ka mid ah mudanayaasha baarlamaanka golaha shacabka kana mid ah saamileyda diyaaraddii shalay ku burburtay degmada Bardaale ayaa waxa uu Goobjoog News uga warramay diyaaradda halka ay markii hore ka timid, halka ay ku wajahnayd, khasaaraha ka dhashay iyo waxa haatan socda.

Milkiilaha ayaa tibaaxay in diyaaraddu ka baxday Muqdisho islamarkaana ay ku sii jeeday magaalada Baydho ee xarunta gobalka Baay.

Ibbi ayaa tilmaamay in dadka saarnaa diyaaradda ee geeriyooday ay 4 ka mid ah u dhasheen dalka Kenya halka labo kalane ay Soomaali yihiin waxa uuna intaas ku daray in diyaaraddu ay sidday shixnad ka kooban maro kaniico, buskud iyo agab loo waday hay’ad NGO ah.

Xildhibaanka ayaa sheegay in wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya iyo wasaaraddiisa ay wadaan baaritaan ku aaddan sababta rasmiga ah ee keentay in diyaaraddaasi ay dhacdo isaga oo ku baaqay ina dadku ay joojiyaan degdegga islamarkaana ay ka war sugaan baaritaanka.

“Waxaa safar ku maqan wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada iyo qolada civil aviation-ka, safiirka dowlada Kenya, safiirka dowladda Itoobiya iyo madax UN-ka ah qoladaasaa baxday marka wasiirka iyo madaxda qaranka ayaan ka sugeynaa baaritaankooda” ayuu yiri xildhibaan Ibbi.

Dhanka kale sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda Kenya madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa khadka taleefanka kula hadlay dhiggiisa Kenya ee Uhuru Kenyatta isaga oo ka tacsiyadeeyay burburka naf iyo maal diyaaradda laga lahaa dalka Kenya eek u burburtay magaalada Bardaale ee agagaarka Baydhabo.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ku wargaliyay madaxweyne Kenyatta inuu faray hay’adda socdaalka Soomaaliya barista sida ku dhacday diyaaradda taas oo sidday shixnad bani’aaddanimo, sidoo kale waxa uu Farmaajo ku casuumay hay’adda socdaalka Kenya inay qeyb ka noqoto baarista taas oo uu soo dhoweeyay Uhuru Kenyatta.

Diyaarad sidday shixnad islamarkaana ay lahayd shirkadda African Expres ayaa shalay gelinkii dambe ku dhacday degmada Bardaale ee gobalka Baay ilaa haddana lama shaacin sababta dhabta ah ee keentay in diyaaraddaasi dhacdo.

Goobjoog News