U bood dhigaalka

Munaasabad Ka Dhacday Madaxtooyada uu Xilka kula Wareegay Hanti-dhowraha Cusub

Sheeko:Dalka
Ra’iisul Wasaare ku Xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Saalax Axmed Jaamac ayaa goobjoog ka ahaa munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen Hanti-dhowrihii hore qaranka Maxamed Maxamuud Cali (Afgooye) iyo Hanti-dhoraha  cusub  ee Qaranka Mudane Axmed Ciise Guutaale oo dhowaan ay meel mariyeen golaha wasiirrada.
Saalax Axmed Jaamac ayaa ku dheeraaday ka hadalay muuhimadda uu xafiiskaan u leeyahay bulshada Soomaaliyeed, isaga oo uga mahadceliyay Hanti-dhowrihii hore shaqadii adkeyd uu qaranka u qabtay mudadii uu joogay xafiiska, waxaana Allah uga baryay Garyaqaan Axmed Ciise Guutaale  inuu la qarab galo shaqada loo idmaday ee qaranka uu u hayo.
Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka ayaa tilmaamay in Xafiiska Hanti Dhowrka uu laf dhabar u yahay hannaanka, isla-xisaabtanka iyo daah-furnaanta maalliyadda dalka, qayb waynna uu ka yahay barnaamijka dayn cafinta ee hadda ay xukuumadda Dan-Qaran gacanta ku hayso, kaas oo maraya heer gabagabo ah, kadib dadaal dheer oo dowladdu bixisay.
“Waxaynu toleynaa Weelkii iyo Agabkii suurtogelin lahaa inuu dhaco kubac dhaqaale, waxaana aasaas iyo saldhig u ah in la helo hey’ado maaliyadeed oo si hufan u maamula oo u maareeya maaliyadda dalka gacanta uu ku haayo, aan u mahadcelino aana u sacbino Hanti-dhowrihii oo muddo dheer si hufan uga soo shaqeeyay howshaa uu hayay, waxaa iyana u duceynaynaa oo soo dhownaynaa oo garab istaageynaa Hanti-dhowraha cusub oo aynu filayno inuu halkii kasii wado” ayuu yiri.
Mas’uuliyiinta xilalka la kala wareegay ayaa sidoo kale munaasabadda ka sheegay muhiimadda ay leedahay isbedelka, aadna isugu hambayeeyay, Maxamed Maxamuud Afgooye ayaa muddo dheer oo ku dhow 7 sano joogay saxiifsaan, isaga oo xilka ku wareejinaya Axmed Ciise Guutaale oo ah Garyaqan iyo Saxafi xog badan ka ogaa xaaladihii dalka uu soo maray.
Goobjoog News