U bood dhigaalka

Muqdisho: 13 Qof oo Cudurka Shuban Biyoodka ugu Geeriyootay Deegaanka Garasbaaleey

Sheeko:Dalka

Dad ka soo barakacay qaar ka mid ah gobalada dalka islamarkaana soo gaaray kaamamka ku yaal deegaanka Garasbaaleey ee duleedka Muqdisho ayaa xaaladdooda caafimaad aad looga deyrinayaa ka dib markii saacadihii la soo dhaafay ay halkaasi cudurka shuban biyoodka ugu geeriyoodeen tiro dad ah.

Sida ay Goobjoog News u sheegtay Xabiibo Xaashi oo ah guddoomiyaha dalladda Kullan, waxaa todobaadkaan gudihiisa kaam ku yaalla deegaanka Garasbaaleey cudurka shuban biyoodka oo halkaasi ka dilaacay ugu geeriooytay 13 qof oo isugu jira carruur iyo haween.

Sidoo kale guuddomiye xabiibo Xaashi ayaa madaxda dalka ugu baaqday in sida ugu dhaqsiyaha badan ay dadkaasi wax ula soo gaaraan iyada oo ay xusid mudan tahay in la guda galay bisha barakeysan ee ramadaan.

Dhanka kale dadka soo barakacay  ayaa sheegay inay qaarkood ka soo barakaceen colaadaha ka taagan gobalka Shabeellaha hoose wax ayna cod dheer ku sheegeen inaysan haysan hooy ay ka galaan qabowga dhaxanta maadaama roobab xooggan maalmihii la soo dhaafay ay magaalada Muqdisho ka da’ayeen.

Ugu dambeyn dadkaan barakacayaasha ah ayaa madaxda ugu sareysa dalka ka dalbaday inay wax la soo gaaraan.

Goobjoog News