U bood dhigaalka

Muqdisho: 7 Qof oo Ku Geeriyootay Roobabkii Xalay Ka Da’ay Caasimadda Dalka

Sheeko:Dalka

Roobab xooggan oo xalay caasimadda ka day’ay islamarkaana socday kudhawaad  saddexx saacadood  ayaa sababay khasaare isugu jira dhimasho, burbur hantiyadeed iyo  barakac ay bilaabeen dadkii uu saameynta ku yeeshay roobabkii mahiiganka ahaa.

Inta la ogyahay 7  qof oo 6 ka mid ah ay ahaayeen  isku qoys ayaa la sheegay inay ku naf waayeen daadadkii kadhashay roobabkii xalay  6 lixda ruux ee isku qoyska ahayd ee  geeriyootay ayaa 5 kamid ah waxa ay aheyeen caruur halka shaqsi lixaad ay ahayd hooyo da’ ahayd

Wararka ayaa intaas ku daraya labo qof oo qura oo qoyskaasi kamid ahaa  ay ka badbaadeen  musiibadaasi  labada badbaaday ayaana ah aabaha qoyskaasi iyo hal caruur ah.

Dhinacakale qoysas danyar ah oo degan guryo cooshaddo  ka sameesnaa  ayaa roobabku u galeen guryahooda inkastoo dhimasho aysan jirin balse  kistii yareed  ee cunno ay u haysteen ayaa waxaa la tagay daadadkii xalay guryahooda ugu soo galay waxa ayna sheegeen in aysan heysan wax ay ku afuraan xilligaan.

 Sidoo kale mid kamdi ah dadka deegaanka ayaa sheegay in uu idhiihisa ku arkay gacmiisanaha uu ku qabtay  carur ay biyo qadeen xilii dambe ee xalay waxa uuna dalbaday in dadkaas wax lala soo gaaaro.

Guddoomiyaha halka ay wax kadhaceen ee degmada Wadajir  ayaa soo kormeeray dhamaan  waaxyaha degmada ee dhibka uu gaaray waxaana guddoomiyaha  uu carro buuxin kus ameeyay jidadkii uu burburiyay daadadka kadhashay roobabkii xalay ka da’ay magaalada Muqdisho waxaana uu sheegay in tallaabadaan oo kaliya aysan kufilneen dadkaan danyarta ah.

Xalay ayaa roob mahiigaan ah waxa uu ka da’ay degmooyinka gobalka Banaadir uu ka koobanyahay iyada oo saameynta uu geystay roobkaasi kaliya ay ku waxyeeloobeen dadka danyarta ah ee aan haysan hooy fiican oo ay ka galaan daadadka roobabka xilli laguda galay roobabkii gu’ga.

Goobjoog News