U bood dhigaalka

Muqdisho: Guudlaawe oo La Kulmay Safiirka Midowga Yurub ee Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa magaalada Muqdisho waxa uu kulan kula yeeshay safiirka midowga Yurub ee Soomaaliya Amb. Nicolas Berlanga iyaga oo ka wada hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sidii xal loogu heli lahaa ismari waaga doorashada dalka.

Sidoo kale Guudlaawe ayaa Berlanga kala hadlay sidii mashaariic hormarineed looga fulin lahaa deegaannada maamulkiisa xilli xaalado kala duwan ay ka jiraan Hirshabeelle waxaana dhinaca kale ay iska wareysteen sidii guud ahaan loo heli lahaa dib u heshiisiin dhaba.

Dhankiisa Amb Berlanga ayaa madaxweyne Guudlaawe uga mahadceliyay dadaalada uu ku doonayo inuu ku hormariyo maamulkiisa.

Madaxweynaha aan wali la caleema saarin ee Cali Guudlaawe ayaa maalmihii la soo dhaafay waxaa uu magaalada Muqdisho ka waday kulamo uu la yeelanayo wakiilada beesha caalamka si ay uga qeybqaataan horumarinta dowlad goboleedka Hirshabelle.

Goobjoog News