U bood dhigaalka

Muqdisho: Maareyn La’aanta Qulqulka Biyaha oo Khasaare Dhaqaale Sababta

Sheeko:Dalka

Muqdisho  waa Caasimadda Soomaaliya  waxaana ku nool  in ka badan 3 Milyan oo ruux  waxaana ku yaal goobo  ganacsi  oo ay ku tiirsan yihiin qoysas danyar ah kuwaas oo noloshooda maalinlaha ah ka maareeyo, balse Xilliyada Roobabka Soomaaliya waxa ay reebaan Saameeyn taban gaar ahaan Magaalada Muqdisho.

Roobabkaas ayaa waxay gebi ahaan gooyaan isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha, waxaana xirma goobaha ganacsiga ee ku hareereysan waddooyinka ay biyuhu jireen taasoo sababta in albaabada la iskugu dhufto meherado ganacsi oo qoysas badan ay ku tiirsanaayeen. Soo kale, waxaa ka dhasho wasaq iyo raadad taban oo aan u wanaagsaneyn Caafimaadka.

Warbaahinta Goobjoog ayaa u kuur gashay Saameynta roobabku ay ku yeeshaan ganacsiyo kala duwan kuwaas oo muddooyin u xirnaa biyaha dartood, goobahaas waxay  ku yaallaan halka loo yaqaan waddada Ceel-qalow ee Degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir waxaana jira dhowr ganacsi oo  ku yaal hareeraha waddooyinka, Sida dukaanno, Maqaaxi iyo goobo kale oo lagu iibiyo Mac-macaanka, waxaana sii dheer goobo caafimaad.

Cali Qube Waxaa uu ka mid yahay dadka uu saameeyay  roobabka waxaana uu Milkiile ka yahay Maqaayad saaran waddada,  Cali wuxuu sheegay in qasaaro badan uu kala kulmo ganacsigiisa xilliyada roobabka: ” Markii ay da’aan roobabka Saameyn badan ayey nagu yeeshaan waxaana dantu nagu kalliftaa inaan iska xirno maaaddaama aysan jirin cid  wax naga iibsan karta waayo meeshii la soo mari la’haa biyo ayaa xiray waana iska xirnaa maqaayadda”.

Dhanka kale waxaa uu ka sheekeeyay inta ay ku qaadato  furitaanka maqaayadda oo ay xiraan waqtiga ay roobabka gooyaan wadada waxaana uu yiri: ” Runtii waxay ku xiran tahay inta biyuhu ay meesha fadhiyaan  iyo inta roobku uu socdo, mararka qaar hal maalin ayuu soconaa mararka qaarna  laba maalin illaa isbuuc waxaana ku qasbannahay inaan sugno illaa ay roobabku joogsadaan, sidoo kalena biyaha ay guraan ama meesha laga qaado iyadoo la adeegsanayo booyado ay dowladdu soo dirto”.

Saciid Cabdi waxaa uu goob caafimaad ku leeyahay  isla goobtaan waxaana uu ka mid yahay dadka uu saameeyeen dhibaatooyinka roobabka ee xiray isla waddada aan ka hadleyno taaa oo ka mid ah meelaha ugu daran ee roobabku jaraan  Xilli roobaadka.

Saciid oo la hadlay Goobjoog ayaa yiri: ”  Aniga halkaan goob Caafimaad ayan ku leeyahay waxaana igu xiran dad badan oo macaamiil ah kuwaas oo si joogto ah daawooyin kala duwan  uga qaata balse Xilliga ay roobaku yimaadaan meesha dhan waan xirnaa waayo meel la maro m alahan gebi ahaanba illaa inta biyuhu fadhiyaan, qaasaaro kala duwan ayan kala kulannaa dhibaatadaanna waa ay soo laalaabatay mana jirto cid wax ka qabato marwalba oo uu roob yimaado annnaga wa na sameeyaa”.

Saciid Maaddaama uu yahay  qabiir Caafimaad waxaan weydiinnay Caafimaad ahaan waxa ka dhalan kara biyaha halkaan fadhiista waxana uu yiri : ” haa Caafimaad darro ayaa ka dhalan karta  Sida Cudurrada faafa waayo biyaha wasaq iyo jeermis ayey isku beddelayaan markii ay muddo goobta fadhiyana waana hubaal in dadka goobtaan ka ag-dhaw ay ka qaadi karaan Cudurro kala duwan”.

Si kastaba ha nqotee roobabka da’a xilliyada kala duwan  waxay saameyn taban ku yeeshaan goobo ganacsi oo ay ku tiirsan yihiin dad ka hela biilkooda maalintaas sidoo kale kuwa waxaa jira macaamiil ka ah balse Xilliga ay go’aan waddooyinka qaar taasi waxay keentaa in dadkaas la kulmaan dhibaatooyin dhanka nolosha ah, arrintaan oo soo laalaabatay Dowladda Soomaaliya gaar ahaan Gobolka Banaadir wax la taaban karo kama qaban, bulshadana waa ay ku dhibban yihiin waxaana saameynta ugu badan dareema meheradaha ganacsi dadka leh iyo dadka marriinka u ah wadooyinka oo lagu daray gaadiidka.

Goobjoog News

W/Q: Liibaan Cabdi Warsame