U bood dhigaalka

Murashaxiin Madaxweyne oo Muqdisho Yimid iyo Berri Shir u Furmaya

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta Muqdisho soo gaaray tiro murashaxiin ah oo u tartamaya jagada Madaxweyne 60 cisho kadib. Murashaxiinta waxaa ka mid ahaa Daahir Geelle,

Cabdiraxmaan Cabdishakuur, Cabdiqaadir Cosoble iyo rag kale. Shalay waxaa caasimadda yimid Cabdikarim Guuleed oo isna ka tirsan murashaxiinta, horayna usoo noqday wasiir federaalka ah iyo Madaxweynaha Galmudug .

Maanta berri ah ayaa lagu wadaa in Muqdisho ay kooxdan ku yeeshaan shir wadatashi ah oo looga gol leeyahay in lagu cadaadiyo maamulka Farmaajo.

Daahir Geelle.

Cabdiraxaan cabdishakuur.

Goobjoog News