U bood dhigaalka

Muxuu ku Fashilmay Madaxweyne Farmaajo.

Sheeko:Dalka

Soomaaliya waxay ka baxday dowladdii ku-meel gaarka ahayd 2012 inkastoo dastuurka dalka uu wali ku-meel-gaar yahay, waxayna Feebaraayo 08, 2017 dooratay madaxweynihihii labaad oo rasmi ah oo hoggaaminaya dowlad federaal ah.

Madaxweyne walba ee la doorto waxaa looga fadhiyaa in uu gaarsiiyo dalka hiigsi la sugayay in la gaaro, dowladda uu hoggaaminayo madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa looga fadhiyay inay dhammeystirto dastuurka, dhisto ama yagleesho hay’adaha dowliga ah ee ku xusan dastuurka, kala wareegto AMISOM amniga dalka iyo inay gaarsiiso dalka doorasho qof iyo cod ah.

Halkan waxaan kaga hadli doonnaa hay’adaha dowliga ah ee dhimman oo laga sugayay in uu dhiso madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, Maxayse ku soo kordhinayaan hannaanka dowliga ah haddii la dhiso hay’adaha dastuurka  ku xusan ee madaxa-bannaan.

Dhismaha Guddiyada Madaxa Bannaan:

Dastuurka Soomaaliya waxa uu sheegayaa guddiyo madax bannaan kuwaasi oo ku xusan qodobka 110aad ee dastuurka ku-meel-gaarka ah ee Soomaaliya, waxayna tilmaamaysaa farqadda 1aad ee qodobka 110aad ee dastuurka ku-meel gaarka ah sidan:-

“Guddi madax bannaan waa hay’ad ka madax bannaan xukuumadda ama xakameyn siyaasadeed awoodna u leh adeegsiga aqoontooda xirfadeed ee la xiriira hawlahooda u gaarka ah”.

Guddiyada madaxa bannaan ee ku xusan dastuurka ayaa kala ah:-

  1. Golaha adeegga Garsoorka
  2. Guddiga xuquuqul aadamiga
  3. Guddiga la dagaalanka musuqmaasuqa
  4. Guddiga adeegga Baarlamaanka
  5. Guddiga xudduudaha iyo Federaalka
  6. Guddiga isku-xirka xukuumadaha
  7. Guddiga qaran ee madaxa bannaan ee doorashooyinka
  8. Guddiga ammaanka Qaranka
  9. Guddiga Runta iyo dib-u-heshiisiinta
  10. Gardoonka/Ilaaliyaha Dadweynaha

Guddiyadaan ayaa u baahan in lagu dhiso sharciyo gooni ah oo baarlamaanka la marsiiyay, kaddibna magacaabistooda ay ka tashadaan dowladda dhexe iyo maamullada dalka isla-markaana ay helaan xubnaha guddiga codka kalsoonida baarlamaanka, madaxweynuhuna ku soo-saaro faafin rasmi ah.

 Ka hor 08 Feebaraayo 2017, waxaa dhisnaa  Guddiga doorashooyinka madaxa bannaan, guddiga xudduudaha, iyo guddiga dib-u-eegista dastuurka , waxaa kale oo la ansixiyay xeerarkii lagu dhisay guddiyada madaxa bannaan ee adeegga garsoorka iyo xuquuqul insaanka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa laga filayay inuu dhammeystiro illaa 7 guddi oo dhimman kuwaa oo muhiim u ahaa dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya iyo sarreynta sharciga, haddaba muxuu ka qabtay?

Xukuumadda uu hoggaamiyo madaxweyne  Farmaajo waxay baarlamaanka u soo gudbisay xeerarka lagu dhisayay guddiyada madaxa bannaan ee la dagaalanka Musuqmaasuqa iyo hay’adda hanti-dhawrka qaran. kaliya waxa uu saxiixay madaxweynaha xeerka lagu dhisayo hay’adda la dagaalanka musuqa, waxaana wali xafiiskiisa yaalla sharciga hanti-dhawrka  oo muhiim u ah hufnaanta maaliyadda dalka.

Maxamed Mukhtar Madaxa machadka SIPAM oo ay Goobjoog kala hadashay dhismaha hay’adaha dowladda ayaa tilmaamay in Soomaaliya baahi weyn u qabto dhismaha hay’adaha dowliga ah, kobcinta aqoonta shaqaalaha dowladda, iyo dhisidda kalsoonida dadka ka dhaxeysa. Mukhtaar oo hadlaya ayaa yiri “ Marka la dhaho maxaa ka dhimman dhismaha hay’adaha dowliga ah waa wax walba ayaa dhimman shaqooyin aad u badan ayaa yaalla, laakiin midda ugu muhiimsan oo mar walba caqabad ah waa wada hadal la’aanta  mar walba oo uu dib u dhaco wada-hadalka waxaa dib u dhacaya dhisidda iyo yagleelidda hay’adaha dowliga ah”.

Maxamed Mukhtaar ayaa tilmaamay in loo baahan yahaya in la is-waafajiyo dastuurrada dowladaha xubnaha ka ah dowladda iyo kan dowladda dhexe.

Dr. Liibaan Xuseen oo ah xubin firfircoon oo ka tirsan bulshada rayidka ah, ahna bare jaamacadeed kuna taqasusay sharciga oo ay Goobjoog ka wareysatay ahmiyadda dhammeystirka dhismaha hay’adaha dowliga ah oo ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay in la dhiso hay’addaha dastuuriga ah ayaa sheegay inay qeyb weyn ka qaadanayaan  xasilloonida siyaasadda, isku dheellitirka awoodaha laamaha dowladda iyo dowlad wanaagga dalka.

Dr. Liibaan waxa uu aad ugu dheeraaday muhiimadda ay leedahay dhisidda hay’adda adeegga garsoorka taasi oo uu sheegay inay muhiimad gooni ah ugu fadhiso horumarinta caddaaladda dalka.

“guddiyadu waa wixii keeni lahaa isku-dheellitirka awoodaha iyo in mar walba la isla-xisaabtamo iyo wax allaala wixii muran siyaasadeed yareyn lahaa” Dr. liibaan ayaa yiri.

Gudbinta adeegga dadweynaha iyo geeddi socodka hawlaha dowladda mar uu ka hadlay Dr. Liibaan ayaa sheegay in guddiyada madaxa bannaan ka muhiimsan yihiin wasaaradaha loona baahan yahay in dadku fahmaan muhiimadda hey’addaha madaxa bannaan.

“guddiga adeegga garsoorka waa muhiim in la dhiso, haddii garsoorku hagaago markaa ayuu muwaaddinku heli karaa caddaalad dowladnimadeennuna ay taabba geli kartaa”. Dr. Liibaan Xuseen Ciise.

Mar wax laga weydiiyay Dr liibaan iyo Wasiir Mukhtaar cidda leh in la dhiso hay’adaha dastuurka ku xusan si loo gaaro heykal dowladnimo oo dhammeystiran ayay ugu baaqeen in dhamaan qeybaha bulshada iska kaashadaan sidii loo yagleeli lahaa hey’adaha madaxa bannaan ee dastuurka ku xusan.

Mar aannu wax ka weydiinay xalka khilaafka siyaasiga ah ayuu  Dr. Liibaan sheegay in wadashaqeyn la’aanta dowladda dhexe iyo maamullada dalka, wadashaqeyn la’aanta madaxweynaha iyo hey’adaha dowladda iyo khilaafka u dhaxeeya golaha baarlamaanka ay sal u tahay dhammeystir la’aanta hey’adaha dowliga ah.

Marka la eego xaalka siyaasadda dalka inta uu xilka hayay madaxweyne Farmaajo waxaa khilaaf siyaasadeed hareeyay Baarlamaanka, maamullada iyo dowladda dhexe. Wuxuuna khilaafku saameyn taban ku yeeshay:-

  • Dhammeystirka dib u eegista Dastuurka
  • Dhammeystirka Shuruucda Federaalka ah
  • Dhismaha hey’adaha Dastuuriga ah
  • Dhismaha ciidanka xoogga dalka
  • Gaarsiinta dalka doorasho qof iyo cod ah.
  • Horumarinta dhaqaalaha iyo amniga dalka.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii uu ku jiray ololaha waxa uu ballanqaaday inuu dhisi doono garsoor madax bannaan, iyo hey’adaha kale ee muhiimka u ah sarreynta sharciga.

W/Q: Xasan Maxamuud

Mawduucyada:Banaadir