U bood dhigaalka

Muxuu Laacib Xasaasi Ka Yiri Goolkii Uu Ku Dhaliyay Garoonka Stadium Muqdisho

Sheeko:Cayaaraha

Xasan Cabdinuur Xasaasi oo ka tirsan kooxda Horseed iyo Xulka Qaranka Soomaaliya ayaa noqday laacibkii ugu horeeyay ee goolka ku dhaliya mudo 16-sano ka dib garoonka ciyaaraha Muqdisho Stadium, ay Dowladda kala wareegtay ciidamada Amisom sanadii 2018.

“ Sharaf ayay aheyd in aan noqdo xidigihii ugu horeeyay mudo 16-sano ka dib goolkii ugu horeeyay ku dhaliyay garoonka ciyaaraha Stadium,tani waxa ay ka qeyb qaadanaysa horomarka aan ka sameeyay ciyaaraha dalka waxayna ii tahay xasuus ii gaar ah” ayuu Goobjoog ugu waramaya laacib Xasaasi .

Wuxuun intaas ku daray kooxdiisa Horseed ay samaysay guulo waaweyn labadii sano lasoo dhaafay,iyagoo ku guulaystay tartanka todobaadka xoriyada,iyagoo ka qaaday naadiga Dowladda hoose ee Muqdisho City Club

“waxaan gaarnay guulo waaweyn labadii sano iyo sandkan geba gebada ah waxaana guulahaas ku mahadsan maamulka oo gacan weyn geestay in aan noqono kooxaha ugu awooda badan kubabdda cagta dalka” ayuu Goobjoog markale ugu waramay ciyaaryahan naadiga Horseed Xasaasi.

Halkan Ka Daawo Laacib Xasaasi Oo La Hadlay Warbaahinta Ka Dib Goolkii Stadium Muqdisho

W/D-Maxamed Xuseen Qalinle

Mawduucyada:Banaadir