U bood dhigaalka

Nabaddoon Muumin Giriig oo Goordhow Muqdisho Lagu Dilay

Sheeko:Amniga

Kooxo ku hubeysan Bastoolado ayaa goordhow gudaha magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ku dishay Allah u naxariistee  Nabaddoon Muumin Giriig, oo siweyn looga yaqaanay gudaha magaalada .

Nabaddoonka ayaa waxaa la sheegayaa in la toogtay xilli uu ku sugnaa afaafka hore ee gurigiisa oo ku yaalla xaafadda Tarabuunka ee degmada Hodan, kooxdii dilka geysatay ayaa goobta isaga baxsatay.

Ciidamada ammaanka oo gaaray oobta dilka uu ka dhacay ayaa bilaabay baaritaanno ku aadan dadkii falka geystay walow aan la shaacin cid loosoo qabtay dilka Nabaddoon Muumin Giriig.

Nabaddoonka ayaa waxaa lagu xasuustaa inuu aad u dhaliilsanaa siyasadda madaxweynihii hore ee dalka Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, isaga oo shacabka u bidhaamin jiray qaladaadka.

Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho ayaa mararka qaar waxaa ka dhaca dilal ay geystaan kooxo ku hubeysan Bastoolado, waxaana dhowr jeer Nabadoonno lagu dilay gudaha Muqdisho.

Goobjoog News