U bood dhigaalka

Nairobi Oo Cadaadinta Muqdisho Gaarsiisey Meel Sare Iyo Villa Somalia Oo Aamusan

Sheeko:Dalka

Dalka Kenya ayaa 4-tii bil ee ugu dambeysay waxaa uu kor u qaadey cadaadiska uu ku hayo Soomaaliya, siyaasad iyo ganacsiba.

Sida ay Goobjoog News u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan shirkadda xawaaladda ee Taaj waxaa xiran xafiiskoodii Nairobi, waxaana baarid lagu wadaa iyaga iyo qaar kale oo halkaasi xarumo ku lahaa.

Cadaadiskaas dhanka xawaaladaha waxaa uu qeyb ka yahay mid soo socdey muddo dhowr bil ah, taas oo la doonayo in Soomaaliya ay ugu dambeyntii xal wada hadal ah ka gasho muranka badda ee kala dhaxeeya dalka Kenya.

Soomaaliya ayaa marar badan iska diiday dalab uga yimid Kenya oo ah in wada hadal laga galo dacwada badda ee hortaallo maxkamadda cadliga taas oo go’aankeeda la filayo in la gaaro inta lagu jiro 2019-ka.

May 9, ee sanadkan Kenya ayaa joojisay diyaaradihii toos u tagi jiray Nairobi, iyada oo loo wareejiyey garoonka diyaaradaha ee Wajir, Kenya arrinkaas waxaa ay ku sheegtay sababo amni.

March isla sanadkan Kenya ayaa soo ceyrisay safiirka Soomaaliya ee dalkaasi Maxamud Tarsan, una yeeratay safiikeeda, arrintaas ayaa timid kadib shirkii shidaalka ee London.

Xiriirka oo xumaadey darted, waxaa arrinta soo dhex galay ra’isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed, wada hadal ay galeen madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ku dhammaadey natiijo la’aan.

Saaka waxaa magaalada Muqdisho lagu soo celiyey ku-xigeenka wasiirka tamarta iyo biyaha Cusmaan Liibaan, Senatorada Ilyaas Cali and Zamzam Daahir, kuwaas oo xalay ku baryey garoonka  JKIA.

Saraakiishan ayey aheyd in iyaga iyo wasiirrada Qorsheynta iyo caafimaadka Jamaal Xasan iyo Fowsiyo iyo la-tilaya amniga ee Farmaajo Cabdi Saciid ay shir uga qeyb galaan Nairobi. 3-da dambe waxaa ay la soo baxeen, oo Kenya ay ku galeen baasabooro aan Soomaali aheyn.

Goobjoog News ayaa xiriirro badan la sameysay wasaaradda arrimaha dibadda Soomaaliya, laakin waa ka gaabsadeen iney ka hadlaan.

Goobjoog News