U bood dhigaalka

PREMIER BANK OO XUJEYDA SANADKAN FURSAD U SIINAYA INAY LACAG-LA’AAN KU QAATAAN MASTERCARD KUNA ISTICMAALAAN

Sheeko:Dalka

Premier Bank wuxuu fursad u siinayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed ee sanadkan gudanaya waajibka Xajka inay si lacag-la’aan ah ku helaan Mastercard-ka Premier Bank. Wuxuu sidoo kale bankigu muddo 30 maalmood ah ka dhaafayaa xujeyda khidmadda wax ku iibsiga iyo lacag la bixidda Mastercard-ka.

Xujaajta isu diiwaangeliyey tegitaanka xajku si fudud ayaa ay Mastercard ka Premier Bank ku heli karaan, iyaga oo waraaqahooda diiwaangelinta xajka la tagaya xarumaha iyo laamaha uu Premier Bank dalka ku leeyahay, laga bilaabo maanta 23 da Juun 2022.

Iyada oo xujaajta laga fududaynayo culayska iyo warwarka ay lacag bixintu leedahay iyo daalka raadinta xarumaha xawilaadda lacagaha, Premier Bank Mastercard waxa uu u ogolaanayaa in ay lacagtooda si fudud oo dhaqso badan u helaan, iyo in ay kala baxaan mishiinka ATM ka iyada oo aan wax khidmad ah laga jarin.

Kaarka bankiga ayaa xujeyda u saamaxaya inay wax ku iibsadaan, iyagoo aan u baahaneyn in ay sarif raadsadaan. Sidoo kale, haddii ay lacagta ka go’do eheladooda iyo saaxiibbadooda ayaa kaarka lacag ugu soo shubi kara si fudud iyo xilli kasta.

Madaxa Xiriirka Bulshada ee Premier Bank, Axmed Nuur Maxamed ayaa yiri “Qofka safarka ah wuxuu mar kasta dhib kala kulmaa lacagta jeebka lagu qaato, wuxuu sidoo kale jahawareer kala kulmaa la socodka qiimaha sarifka lacagta iyadoo ay intaa u sii dheertahay marka ay lacagtu ka go’do ee uu u baahdo in lacag loo diro. Premier Bank oo mar walba u taagan haqabtirka baahiyaha la xiriira adeegyada maaliyadeed ee bulshada Soomaaliyeed ayaa sanadkan ku guuleystay inuu xal u helo caqabadahaas oo dhan.”

“Xujayda sanadkaan kama walwali doonaan arimaha la xiriira maamulka kharashaadkooda ee waxa ay fursad fiican u heli doonaan inay diiradda saaraan cibaadada iyo u gudashada acmaasha xajka sida ugu habboon, hadduu Alle idmo,” ayuu raaciyay.

Tallaabadan ayuu Bankigu uga golleeyahay inuu dadka Soomaaliyeed u fududeeyo gudashada acmaasha xajka iyo u adeegista martida Alle xilliga ay oogayaan tiirka shanaad ee Islaamka iyaga oo Mastercard-ka si toos ah wax uga iibsan kara xarumaha ganacsiga, ku raaci kara taksiyada iyo gaadiidka dadweynaha, lacag caddaan ahna kala bixi kara ATM-da iyadoo aan laga qaadeyn wax khidmad ah.

PRIEMER BANK, waa bangi ganacsiyeed madaxbannaan oo ku dhaqma nidaamka maaliyadeed ee Shareecada Islaamka. Waana kii noociisa ugu horreeyey dalka ee bixiya Mastercard, isaga oo iskaashi la sameeyey shirkadda Caalamiga ah ee Mastercard oo leh shabakadda nidaamka lacag bixineed ee ugu xawaaraha badan dunida oo dhan, iskuna xidha macaamiisha, shirkadaha maaliyadda, ganacsatada, iyo dawladaha in ka badan 210 dal iyo maamul oo dunida ah.

Mastercard

Mastercard, waa shirkad teknoolajiyadeed oo ka mid ah nidaamka caalamiga ah ee lacag bixinta. Waxay howlgelisaa hab-raaca shabakadda lacag-bixinta ugu degdegta badan dunida ee isku xirta macaamiisha, hay’adaha maaliyadda, ganacsiyada, dowladaha iyo ganacsatada in ka badan 210 dowladood iyo gobol. Xalalka iyo adeegyada Mastercard waxay howlaha ganacsiga maalinlaha ah sida; dukaameysiga, safarka, socodsiita ganacsiga iyo maamulidda dhaqaalaha ka dhigtaa mid fudud, aamin ah, kuna haboon qof walba. Faahfaahin dheeraad ah waxaad ka heleysaa adiga oo booqda: www.mastercard.com ama Twitter-ka kala socda @MastercardMEA.

Premier Bank Premier Bank waa banki ganacsi oo gaar loo leeyahay, isla markaana shareecada ay Islaamku asal u tahay dhammaan adeegyada uu bixiyo. Waxa uu shati ka heystaa Bankiga Dhexe ee dalku oo u sharciyeeyay in uu bixiyo adeegyo maaliyadeed iyo mid banki. Bankigu waxa uu xalal maaliyadeed oo dhammeystiran siiyaa macaamiisha oo ay ku jiraan kuwa gaarka loo leeyahay, hay’adaha dowladda ah, kuwa aan dowladda ahayn, shirkadaha waaweyn, shakhsiyaadka, ganacsiyada yar yar iyo kuwa waaweyn ee dalka. Adeegyada uu Premier Bank bixiyo waxaa ka mid ah adeegyada banki ee shakhsiyaadka, ganacsatada iyo shirkadaha, moobeylka iyo Internet-ka, mashiinnada ATM-ka, Lacag-dirista gudaha, dibadda iyo SWIFT-ga, wakiil bankiyeedka iyo dirista lacagaha ee heer caalmi.

Si aad xogo intan ka faahfaahsan u hesho fadlan booqo degelkayaga internet ka ee  www.premierbank.so iyo sida oo kale bogagga aannu ku leenahay baraha bulshada ee uu ka mid yahay Twitter @premierbankso

XARUNTA DHEXE EE MUQDISHO:

KM4, Maka AL mukarama Street Hodan District.

XARUNTA DHEXE EE HARGEYSA:

Durdur Business Center, Road No.1, 26 Jun District.

Goobjoog News