U bood dhigaalka

Puntland iyo Jubbaland oo Madaxda Dowladda Federaalka ah ku eedeeyay Hagardaameynta Shirweynaha Doorashada

Sheeko:Dalka

Maamullada Puntland iyo Jubbaland oo warsaxaafadeed soo saaray ayaa waxa ay eedeeyn culus ugu jeediyeen madaxda Dowladda Federaalka ah iyagoo shaaciyay inaysan dowladdu ogolayn in la qabto shirweynaha doorashada waxa ayna intaas ku dareen inay xagal daacinayaan qabsoomidda shirkaas.

“Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya ee Puntland iyo Jubaland waxay walaac ka muujiyeen in Madaxda sare ee muddo xileedkeedu dhammaaday ee Dowladda Federaalka ah ay xaggal daacineyso qabsoomidda shirkii loo fadhiyey inuu ka dhaco Magaalada Mogadishu” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka wadajirka aha.

Sidoo kale waxay qoraalkooda ku yiraahdeen “Warka kasoo baxay labada maamul ayaa laga digay in wakhtiga kulanka oo sii dheeraada uu keenikaro in masiirka Dalka iyo mustaqbalka Ummadda Soomaaliyeed uu meel mugdi ah ku dhaco. Ugu dambeynti, waxaan cadeynaynaa in aan diyaar u nahay qabsoomidda shir looga wada arrinsado xaaladda doorashada Dalka ayadoo qabsoomiddiisa loo marayo tub lays la oggol yahay, uuna saldhig u yahay heshiiskii 17 September 2020”.

haddaba halkaan ka akhriso warsaxaafadeedka oo dhameystiran.

Goobjoog News