Puntland oo Beenisay in DF Ay Diyaarado Sida Gargaar Ka Dajisay Garoowe

Wasiirka arrimaha gudaha dowlad goboleedka Puntland Cabdiraxmaan Dhabancad ayaa waxa uu beeniyay in dowladda federaalka ah ay diyaarado siday gargaar shalay ka dajisay magaalada Garowe ee xarunta gobalka Nugaal.

Wasiirka oo arrintaasi ayaa sheegay in diyaaradihii shalay ka dagay Garowe islamarkaana waday gargaarka ay ka socdeen hay’adda qaramada midoobay u qaabilsan qaxootiga adduunka ee UNHCR.

Shalay ayaa wafdi uu hoggaaminayay wasiir Jamaal Maxamed Xasan waxa ay gaareen Garowe iyga oo sheegay in deeq ka timid dowladda federaalka ay soo gaarsiiyeen Garowe ku kalne ay dowladdu soo waddo balse waxaa hadalkaasi biyo qaboow ku shubay wasiirka arrimha gudaha Puntland Cabdiraxmaan Dhabancad.

Dowladda federaalka ayaa horey Puntland waxa ay ugu dirtay lacag dhan hal milyan oo doolar taasi oo wax loogu qabanayay dadkii ku waxyeeloobay daadadkii ku rogmaday magaalada Qardho ee sababay geeri iyo burbur hantiyadeed.

Hadalka ka soo kala yeeray dowladda dhexe iyo maamulka Puntland ayaa abuuray dood dadka ay siyaabooyin kala duwan u fasireen.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW