U bood dhigaalka

Puntland oo Soo Saartay Awaamiir Ku Saabsan Maalmaha Ciidda

Sheeko:Dalka

Maamul goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ayaa soo saaray awaamiir cusub oo la xiriira maalmaha ciidda gaar ahaan salaadda maalinkaas la dukado.

Wasiirka caddaaladda iyo arrimaha diinta  maamulkaas Cawil Sheikh Xaamud Maxamed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay gabi ahaanba hakiyeen isu soobaxyadii maalmaha ciidda iyo saaladda Soonfurka isaga oo ku micneeyay inay ka hortagayaan faafitaanka xanuunka Coronavirus.

Isaga oo sii hadlayay ayaa waxa uu tilmaamay in dadweynaha Puntland la faray inay salaadda ku oogaan guryahadooda maadaama marka la gaaro sanadkan oo kale ay bulshadu isku soo bixi jirtay islamarkaana ay meel fagaara ah ku tukan jireen salaadda Soonfurka.

Wasiirka ayaa dhanka kale sheegay in malcamadaha lagu barto Quraanka Kariimka ah oo markii hore loo xiray sabab la xiriirta faafitaanka cudurka COVID- 19 in wixii ka dambeeya maalmaha Ciidda dib loo furi doono isaga intaas ku daray in daruufo dhaqaale oo aad u adag ay soo wajahday macalimiinta deegaannada maamulka Puntland.

Maalin qura ayaa inaga xigta bilashada bisha Soonfur, waxaana sanadkan la filayaa inuu isbadal ku yimaado maalmaha Ciida maadaama dalka uu si adag u saameeyay Coronavirus.

Goobjoog News