U bood dhigaalka

Puntland: Waxaa Na Soo Gaartay Lacag Hal Milyan Ah oo Ay Soo Dirtay Dowladda Federaalka Ah

Sheeko:Dalka

Dowlad goboleedka Puntland ayaa shaacisay in dowladda Federaalka ah ay soo gaarsiisay lacag hal milyan ah taas oo loogu gurmanayo dadka reer Qardho ee ku waxyeeloobay daadadkii magaaladaasi ku rogmaday islamarkaana ay dad ku geeriyoodeen.

Wasiirka maaliyadda Puntland Xasan Shire Abgaal oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in gurmadkii ugu horreeyay ay ka heleen dowladda dhexe waxa uun hoosta ka xariiqay in gurmadyo kalana ay ka sugayaan isaga oo yiri “Waxaa Na  Soo Gaartay Lacag hal Milyan Ah oo Ay Soo Dirtay DF waan uga mahadcelinaynaa waa gurmadkii 1-aad lacago badan oo kalane waan ka rajaynaynaa lacagtaasina waxay ku soo dhacday akoonka dowladda”.

Wali waxaa soconaya gurmadka loo sameynayo bulshada reer Qardho iyada oo xaaladda magaaladaasi ay tahay mid wali cakiran waxaana shalay la soo badbaadiyay dad ay qaadeen daadadkii magaalada ku soo rogmaday.

Waxaa sidoo kale jira guddi uu magacaabay madaxweynaha Puntland Siciid Deni kaas oo ka shaqeyn doono sidii loo samatabixin lahaa dadkaasi waxaana guddigaasi oo u badan wasiirro ay ka koobanyihiin 24 xubnood.

Roobabka ka da’ay Qardho ayaa sababay in magaalada ay ku soo rogmadaan daadad sababay dhimashada ugu yaraan saddex ruux iyo burburka hanti fara badan.

Goobjoog News