U bood dhigaalka

Qaar Ka Mid Ah Umulisooyinka Isbitaal Benaadir oo Ka Walaacsan Lacagihii Gunnada Ahaa oo Muddo Ka Maqan

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah umulisooyinka isbitaalka hooyada iyo dhallaanka ee Benaadir Hospital, oo ku shaqeeya hab mutadawacnimo ah ayaa ka walaacsan lacagihii gunnada ahayd  ee ay ka qaadan jireen isbitaalka oo muddo ka maqan.

Haweenay ka mid ah umulisooyinkaa oo magaceeda qarisay, ayaa waxey noo sheegtay: “ Saddex isbuuc ka hor waxaa nalaga saxiixay gunnadii aan qaadan jirnay oo dhowrkii biloodba mar nala soo gaarsiin jiray, muddo 6 bilood ah weli waxba ma aanana arag, waxaa u barannay marka lacagta nalaga saxiixo in accounka ay noogu soo dhacdo, laakiin arrintaasi ma dhicin.”

Waxey hadalkeeda sii raacisay: “Waxey ahayd xilligan inaan mushaari ahaanno, marka loo eego shaqada aan bulshada u haynno oo hooyooyin badan la rabo inaan badbaadinno. Laakiin weli waxaanana gacanta ku hayn gunnadii aan qaadan jirnay oo hadda aan ka walaacsan nahay iney nasoo gaari karto iyo in kale.”

Dhanka kale, maamulka isbitaal Benaadir oo aan la xiriirna  ayaa noo xaqiijiyay in lacagaha ay maqan tahay, laakiin ay ku maqan tahay deeqbixiyeyaashii oo “Covid-19” uu saameyn ku yeeshay, hadana ay socdaan dadaallo arrinkaas ku aaddan oo lagu baadi goobayo gunnooyinka Umulisooyinka.

Si kastaba, madaxweyne Farmaajo ayaa ballanqaadkiisii doorashada waxaa ka mid ahaa inuu wax ka qaban doono ummul-raaca  haweenka oo dalka ku badan.

Goobjoog News