U bood dhigaalka

Qaar Ka Mid Ah Waddooyinka Muqdisho Oo Maanta Xiran

Sheeko:Dalka

Waxaa saakay xiran inta badan waddooyinka magaalada caasimadda ah ee Muqdisho, waxaana jirin wax gaadiid ah oo isticmaali kara waddoyinka xiran, dadka ayaana la arkayaa iyaga oo lugeynaya.

Waddooyinka saakay ciidamada dowladda ay xireen ayaa waxaa ay aheyn kuwo muhiim u ahaa isku socodka dadka iyo gaadiidka, waxaana ka mid ah wadadada Maka Almukarama iyo Wadnaha ee magaalada Mudisho.

Ujeedka loo xiray wadooyinka magaalada ayaa lagu sheegay in maanta ay tahay sanad guuradii 50-aad ee ka soo wareegtay maalintii la  aas aasay ciidamada Asluubta Soomaaliyeed, Waxaana lagu wadaa in munaasabad lagu maamuusayo lagu qabto magaalada, iyada oo la filayo in ay ka soo qeyb galaan mas’uuliyiin ka tirsan dowladda iyo saraakiisha ciidamada qeybahooda kala duwan iyo taliska Asluubta.

Xirnaanshiyaha waddooyinka magaalada ayaa marka ay dhacdo waxaa ay saameyn ku yeelataa isku socodka dadka iyada oo marka waddooyinka la xiro shacabku ay ku dhibtoodaan lugta masaafada dheer ah.

Goobjoog News