U bood dhigaalka

Qaramada Midoobay oo Ka Digtay Xaaladda Cunno-yari Ee Ka Jirta Xudur

Sheeko:Dalka

Hey’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan iskudubaridka OCHA ayaa waxaa ay ka deyrinaysaa xaaladaha nolol xumo ee ka taagan magaalada Xudur ee gobolka Bokool ee Soomaaliya.

OCHA waxaa ay tilmaamtay in magaalada uu raashinka gabaabsi ka yahay ayna ugu wacan tahay wax u muuqda go’doon, taas oo sababtay in sicirka raashinka uu sare u kaco magaalada.

OCHA waxaa ay sidoo kale sheegay in laga cabsi qabo xaaladaha ka jira magaalada Xudur in ay sii myrjiso xaaladaha Banii’aadamnimo ee horay uga jiray deegaannadaas.

Hey’adda ayaa maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya iyo Hey’adaha Gargaarka waxaa ay ugu baaqday  in ay gacan ka geystaan caawinta dadka ku nool magaalada Xudur.

Magaalada Xudur ee gobolka Bokool ayaa muddo8 sano ah waxaa ay ku jirtaa go’doon ay saareen Al-shabab, waxaana jirin wax ganacsi ah oo soo galay, iyadoo dhowr jeer la gubay, beerihiina waxaa ku degay Ayax.

Goobjoog News