U bood dhigaalka

Qaramada Midoobay oo Sheegtay in Gobolka Bay uu Qarka u Saaran Yahay in Macluul ay Ka Dillaacdo

Sheeko:Dalka

Ku-xigeenka Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Martin Griffiths ee arrimaha Bani’adannimada  ayaa sheegay in xaaladda abaaraha ee ka jira Soomaaliya ay marayso heerkii ugu adkaa, waxaana uu carabka ku dhuftay in ay in dadka Soomaaliyeed ay qarka u saaran yihiin in ay heer macluul ah gaarsiiso abaarta, isaga oo sheegay inuu ka walaacsan yahay.

Waxaa si gaar ah uga hadlay deegaanno dhaca  Koonfur Galbeed Soomaaliya, gaar ahaan gobolka Baay oo uu sheegay inuu yahay gooha ugu daran ee abaartu sida weyn u saameysay, warbixinta ayaa lagu xusay degmada  Baydhaba iyo Buurhakaba oo ka tirsan gobolka, waxaana hadalkiisa uu sii raaciyay in xaaladuhu ka sii darikaraan bilaha soo aadan, sida uu xusay.

“Waxaan aad uga naxay maalmihii na dhaafay heerka uu gaarsiisan yahay xanuunka iyo silaca ay u dulqaadanayaan dadka Soomaaliyeed, waxay qarka u saaran yihiin macluul, maantana waxaa na soo gaartay digniintii ugu dambeysay, warbixinta ku saabsan cunnada ay heli karaan dadka Soomaaliyeed oo maanta la soosaaray waxay si cad u muujineysaa in macluul ay ka dhici doonto laba goobood oo ku yaal Gobolka Bay, waa degmooyinka Baydhaba iyo Buurhakaba ee dhaca Bartamaha Koofurta Soomaaliya inta u dhaxeysa bilaha October iyo December ee sannadkaan” ayuu yiri Martin Griffiths.

Martin Griffiths oo hadalkiisa siiwata waxaa uu sheegay in xaaladda abaaraha ee Soomaaliya ay lamid tahay middii 2010 ilaa 2011 ku dhuftay gayiga Soomaaliyeed” Xaaladda waxay u muuqataa mid la mid ah 2010-2011 haddiiba aysan hadda ka halis badneyn, baaqashada afar xilli roobaad oo isku xiga, tobannaan sano oo colaad ah, barakac baahsan, arrimo dhaqaale xumo oo aad u daran ayaa ku kallifaya dad badan inay qarka u fuulaan macluul”. ayuu sii raaciyay hadalkiisa Martin Griffiths.

Gababadii hadalkiisa waxaa uu ku sheegay in abaaraha ay sababeen sidoo in kabadan Milion caruur Soomaaliyeed ay lasoo darisi karto  xaalada nafaqadarri ah, marka la gaaro bisha October 2022″ Milyan iyo bar carruur ah oo ku sugan Soomaaliya ayaa wajahaya xaalad nafaqodarro oo aad u daran marka la gaaro bisha October, waxaan gaarnay waqtigii ugu dambeeyey oo ay ahayd inaan noloshooda badbaadinno waana naga sii idlaanayaa” ayuu ku yiri gagabadii hadalkiisa Martin Griffiths.

Hadalka kasoo baxay ku-xigeenka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ee arrimaha Bani’adannimada Martin Griffiths ayaa waxaa ay kusoo aadaysaa, xilli dalka ay ka jirto abaar baahsan, taas oo dad iyo duunyo intaaba saameysay, iyadoo ay xaalad nafaqo darri ay wajahayaan caruur Soomaaliyeed, abaarta ayaa waxaa laga muujinayaa in ay isku rogto heer macluul  ah, dowladda Soomaaliya ayaa wada dadaalka ku aadan guirmadka abaaraha, iyadoo markale baaq u dirtay caalamka kale.

Goobjoog News