U bood dhigaalka

Qarax Ismiidaamin Ah Oo Caawa Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka, War

Qarax Ismiidaamin ah islamarkaana lagu fuliyey gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa cawa fiidkii waxa uu ka dhacay nawaaxiga Isgoyska Sayidka ee magaalada Muqdisho, kaasi oo geystay khasaare kala duwan.

Wararka qaar ayaa waxay sheegayaan in qaraxan lala eegtay ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka oo halkaasi ku sugnaa, islamarkaana goobta ka wadey howlgallo amni sugid ah.

Inta la xaqiijiyey waxaa goobta qaraxa uu ka dhacay ku geeriyootey Labo askari oo ka tirsan ciidanka dowladda, iyadoo Saddex kalena ay halkaasi ku dhaawacmeen.

Taliyaha ciidanka Booliiska gobolka Banaadir Bishaar Abshir Geeddi oo halka qaraxan uu ka dhacay kula hadlay saxaafadda ayaa xaqiijiyey khasaaraha soo gaarey ciidanka dowladda.

Dhanka kale Al-shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarkaan ismiidaaminta ah, iyaga oo tilmaamay iney la eegteen kolonyo ay la socdeen ciidanka dowladda Federaalka.

q3 q2 q1