U bood dhigaalka

Qarax iyo Dil Ergo Oo Ka Dhacay Buurhakaba, Bay

Sheeko:Dalka

Qarax xoogan ayaa lala eegtay Bar-kontorool oo ciidamada ammaanka ay lacagta Canshuurta uga qaadaan Gaadiidka ka baxa iyo kuwa gala Magaalada Buurhakaba ee gobolka Bay.

Qaraxan oo ahaa ka  Miinada dhulka lagu aaso ayaa waxaa ka geystay khasaare, waxaan sl dhab ah loo ogeyn inta uu la egyahay khasaaraha soo  gaaray ciidanka la bartilmaameedsaday.

 

Sidoo kale ciidamada Dowladda ayaa dorbaba ka bilaalabay baaritaanada ku aadan Qaraxan, waxayna soo xireen  tiro dad ah kuwaas oo ciidamada ammaanka ay qabteen inta uu socday baartitaankii ay sameeyeen qaraxa ka dib.

Dhanka kale kooxo ku hubeysnaa Bastoolado  ayaa bartamaha Magaalada Buurhakaba ku toogtay nin magaciisa lagu soo koobay Mukhraar Subagle oo ka tirssnaa Ergadii xildhibaanada ku soo dooratay Magaalada Baydhabo.

Masuuliyiinta laamaha ammaanka Koonfur Galbeed ilaa hadda war kama aanay soo saarin falalkan amniga ka baxsan ee ka dhacay Magaalada Buurhakaba, balse waxaa socda baaritaano amni xaqiijin ah.

Goobjoog News