U bood dhigaalka

Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Qarax xoogan ayaa waxaa uu goordhow ka dhacay xeebta Liido degmada Cabdicasiis ee gobolka Banaadir, gaar ahaan goob maqaayad ah oo ka soo horjeeda Ocean View, waana maqaayad goor dhow laga furay aaga xeebta.

Qaraxa aya waxaa fuliyay xuur isku soo xiray walxaha qarxa, gaar ahaan Jaakad, sida ay sheegayaan wararka laga helayo goobta uu qaraxu ka dhacay, maqaayadda ayaa waxaa wararku sheegayaan inuu ku sugnaata taliye Xijaar.

Lama oga khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay weerarka caawa ka dhacay Liido, warar hoose oo la helay ayaa sheegaya in taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed uu shir kula lahaa waxgaradka reerka uu ka dhashay.

Goobjoog News