U bood dhigaalka

Qarax Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Dalka

Qarax la sheegay inuu ahaa mid lagu xiray gaari ayaa waxaa uu maanta ka dhacay degmada Hodan ee gobolka Banaadir, gaar ahaan xaafadda Taleex.

Sarkaal magaciisa lagu sheegay Aadan Axmed Hirad oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga ah ayaa lala eegtay qaraxa oo isagu lahaa gaariga Bamka lagu xiray, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Booliiska.

Majiro wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay qarax, waxaana goobta gaaray ciiamo ka tirsan Booliiska, kuwaas oo goobta ka sameeyay  baaritaanno la xiriira qaraxa.

Inta la ogyahay waa qaraxii saddexaad oo nuucaan ah oo muddo toddobaad gudihiis ah ka dhaca magaalada Muqdisho ,Al-Shabaab ayaana badanaa sheegta qaraxyada nuucaan.

Goobjoog News